Jowhar – Waxaa goordhow dab xoogan uu ka kacay xarunta Baarlamaanka Maamul Goboleedka Hirshabeelle ee magaalada Jowhar. Dabka ayaa sida la xaqiijiyay si xowli ah ugu fidaya qeybaha kala duwan ee dhismaha Baarlamaanka, waxaana uu haatan kusii sii fidayaa guryaha ku dhow xarunta.
Goobjoogayaal ku sugan meesha uu dabku ka kacay ayaa u sheegay goobjoog.com in aan ilaa iyo hadda la arkin wax gaadiid dab-damis ah oo goobta gaaray, taas oo cabsi weyn ku abuurtay dadka deegaanka.
Waxaa sidoo kale jirta baqdin laga qabo in dabku uu saameeyo dhismayaal kale oo muhiim ah oo ku dhow xarunta.




From the comments