Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige oo maalmahan safar shaqo ku joogay dalka Kuwait ayaa waxa uu kulamo miro-dhal ah la qaatay masuuliyiin Dowladeed iyo qaar ka mid ah madaxda Hey’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha maalgalinta.
Wasiirka iyo wafdigisu waxa ay kulan gaar ah la qaateen madaxda Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Carabta ee Kuwait, kulan kaas oo diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa maalgalin ku saabsan ilaha dhaqaalaha dalka iyo hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka oo dowladda Kuwait ay hore qeyb libaax uga qaadatay.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga wada hadlay fursadaha maalgalineed ee u baahan in iskaashi gaar ah laga yeesho, iyada oo diiradda la saarayo maalgalinta ilaha wax soo saarka bulshada Soomaaliyeed ay aadka u danaynayaan si dhaqaalaha gudaha dalka uu sare ugu kaco.




From the comments