U bood dhigaalka

Golaha Wakiillada Somaliland oo Xukuumadda ugu Baaqay Inay Laasho Wadahadallada Soomaaliya

Sheeko:War

Golaha Wakiillada Somaliland ayaa si adag uga hadlay safarka uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku tegay magaalada Laascaanood, iyaga oo ku tilmaamay arrin halis ku ah nabadgelyada, iyo karaamada Somaliland.

Golaha ayaa sheegay in tallaabadaas ay si buuxda u muujinayso faragelin toos ah oo lagu sameynayo arrimaha gudaha ee Somaliland, taasoo si cad uga hor imanayso dhammaan xeerarka iyo mabaadi’da caalamiga ah.

Golaha Wakiillada ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay si rasmi ah u laasho wadahadalladii iyo wada-xaajoodyadii u socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxa ay sheegeen in wadahadalladaasi aanay wax faa’iido ah u lahayn shacabka Somaliland, isla markaana Dowladda Soomaaliya aanay marna muujin daacadnimo iyo ixtiraam ay u hayso qaddiyadda Somaliland. Taa beddelkeed, waxay muujinaysaa ficillo iyo hadallo si cad uga turjumaya damac siyaasadeed oo lagu doonayo in lagu wiiqo jiritaanka Somaliland.

Golaha Wakiillada ayaa sidoo kale xusay in shacabka Somaliland ay si buuxda u garab taagan yihiin xukuumaddooda.

Ugu dambayn, Golaha Wakiillada Somaliland waxa uu beesha caalamka u diray fariin cad oo ku aaddan in laga waantoobo taageerada aan meelna ka soo galayn ee ay u muujiyaan Dowladda Soomaaliya, iyada oo aan laga fiirsan saamaynta ay arrintaasi ku yeelan karto degganaanshaha guud ee gobolka.