Puntland oo beenisay inay deegaanadeeda ka mamnuucday diyaaraddii Ra’iisul Wasaaraha geysay Laascaanood

Puntland ayaa beenisay war saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada lagu hadal-hayay oo ku saabsanaa inay deegaanadeeda ka mamnuucday mid kamid ah diyaaradii wefdiga Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya geeyay magaalada Laascaanood.
War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomadda dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu yiri ” Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland waxay dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland u caddeynaysaa inaysan jirin wax diyaaradda ah oo ay shaqada ka joojisay,
Sidoo kale waxaan caddaynaynaa wararka social media ku jira ee sheegaya in diyaarad shaqada laga joojiyay ay been abuur yihiin”.
Wax yar ka dib markii wefdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ay gaareen magaalada Laascaanood ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in Puntland oo safarkaas diidani ay tillaabo ka qaaday mid kamida diyaaradii masuuliyiinta halkaas geeyay.