Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah ugu digtay dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan Xujayda sanadkan 1446/2025 u socda gudashada waajibaadka xajka, inay aad uga digtoonaadaan la macaamilka shirkado been abuur ah iyo shaqsiyaad dullaaliin ah oo sheeganaya inay bixiyaan adeegyada xajka.
Wasaaraddu waxay caddaynaysay in shirkadaha iyo shaqsiyaadkaasi aysan ka diiwaangashaneyn Wasaaradda islamarkaana aysan ku jirin nidaamka rasmiga ah ee dowladdu u dejisay u adeega Xujeyda Soomaaliyeed.
Sidaas darteed, muwaadiniinta Soomaaliyeed waxaa la faray in ay xaqiijiyaan shirkadda ay adeegga ka qaadanayaan, kana hubiyaan liiska rasmiga ah ee ay Wasaaraddu ansixisay.




From the comments