U bood dhigaalka

Madaxweynaha Somaliland“Waxa aan mudnaanta siin doonaa nabadaynta iyo siidaynta maxaabiista”

Sheeko:War

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa maanta si rasmi ah u sheegay in dowladdiisu mudnaan gaar ah siinayso nabadaynta gobolka Sool, siidaynta maxaabiista, iyo furista isku-socodka dadka iyo ganacsiga ee deegaannadaasi.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayey munaasabad rasmi ah oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, ayaa xusay in xasiloonida gobolka Sool ay tahay tiir-dhexaadka horumarka guud ee dalka, isagoo carabka ku adkeeyay in xukuumaddiisu diyaar u tahay in ay fursad siiso wada-hadal, isu-soo-dhoweyn iyo isu-tanaasul si loo soo afjaro colaadaha taagan.

“Waxa aan mudnaanta siin doonaa nabadaynta, siidaynta maxaabiista iyo furista isku-socodka dadka iyo ganacsiga ee Gobolka Sool,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro, isaga oo ugu baaqay dhinacyada isku haya gobolka inay ka faa’iidaystaan fursaddan si loo helo xasillooni waarta.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale xusay in dib u heshiisiintu tahay mid salka ku haysa danaha shacabka, loona baahan yahay in la iska iloobo kala duwanaanshaha siyaasadeed si loo ilaaliyo nabadda iyo horumarka.

Hadalka Madaxweynaha ayaa yimid xilli dhawaan maamulka SSC-KHAATUMO ee Fadhigiisu yahay Magaalada Laascaanood ay si rasmi ah u aqoonsatay dowladda Soomaaliya.