Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inuu dib u dhacay shirkii madashada wada-tashiga qaranku

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inuu dib u dhacay shirkii madashada watashiga Qaranka ee uu horay ugu dhawaaqay madaxweynuhu, kaas oo maanta ka furmi lahaa magaalada Muqdisho.
War qoraal ah oo ay soo saartay DFD ayaa lagu yiri ” Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo si rasmi ah uga furmi lahaa magaalada Muqdisho 1-da bisha Maajo, ayaa kadib wadatashi ay yeesheen Madaxda Qaranku waxa ay ku go’aamiyeen in shirku qabsoomo maalinta Isniinta ee 5ta bisha Maajo 2025″.
Inta badan madaxda dowlad goboleedyada ayaan weli imaan magaala-madaxda Muqdisho, halka qaarkoodna ay ka caga-jiidayaan inay shirkan ka qeyb-galaan, taas oo keentay inuu dib u dhaco shirku, waxaana madaxtooyada Soomaaliya saaraan cadaadis gudaha ah iyo dibedda ah oo ku aaddan qabsoomidda kulan loo dhanyahay oo ay yeeshaan madaxda qaranka iyo dowlad goboleedyadu.