Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Soo dhaweynta hoggaamiyaha waxaa ka qeyb galay wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mas’uuliyiin sare oo dowladda ka tirsan, xildhibaanno, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.
Imaanshaha Mudane Firdhiye ee Muqdisho ayaa salka ku haya ka qeybgalka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo lagu wado inuu ka dhaco xarunta Villa Soomaaliya 5-ta bishan May.




From the comments