U bood dhigaalka

Roobabkii ka da’ay Muqdisho oo Sababay Go’itaanka Wadooyin Muhiim ah

Sheeko:War

Muqdisho – Wadada muhiimka ah ee KM4 oo ku xiriirisa caasimadda Muqdisho iyo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga Aadan Cadde ayaa gabi ahaanba go’day kaddib roobab mahiigaan ah oo ka da’ay magaalada xalay. Go’itaanka wadadan ayaa si weyn u saameeyay isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha, gaar ahaan boqolaal ruux oo u socday gudaha iyo dibadda dalka.

Laamiga yaraha Soobe oo sidoo kale muhiim u ah isku socodka xaafadaha kala duwan ee magaalada ayaa si buuxda u go’ay, iyadoo biyaha roobka iyo daadadku ay gaadiidka u diideen inay maraan. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in biyuhu ku fataheen guryahooda iyo goobahooda ganacsi, taasoo keenay khasaare hantiyeed oo aan wali si buuxda loo qiyaasin.

Roobabka xalay da’ay ayaa ahaa kuwo si aan caadi ahayn u da’ay muddo saacado ah, taasoo muujisay baahida degdegga ah ee loo qabo hagaajinta nidaamka biyo-mareennada iyo kaabayaasha waddooyinka ee magaalada.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ayaan weli si rasmi ah uga hadlin xaaladda wadada KM4 iyo qorshaha wax looga qabanayo dhibaatada ka dhalatay. Dadweynaha ayaa codsanaya in dowladda degdeg wax uga qabato sidii loo furfurilahaa waddooyinka muhiimka ah, si ay mar kale u suurtagal noqoto isu socodka dadka iyo gaadiidka.