Dawladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Amniga Gudaha, ayaa si rasmi ah u fasaxday in dib loo furo garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow, gobolka Gedo.
Go’aankan ayaa lagu shaaciyey warqad rasmi ah oo uu ku saxiixan yahay Wasiirka Amniga Gudaha Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), taariikhduna tahay 11-ka May 2025.
Garoonka degmada Doolow ayaa xirnaa tan iyo 23-kii December 2024, kadib markii ay dhacday dhacdo amni oo la xiriirtay diyaarad laga leeyahay shirkadda Halla Airlines oo isku dayday inay si aan sharciga waafaqsanayn uga degto garoonka Doolow, iyadoo aan la socodsiin hay’adaha duulista Soomaaliya, balse ay si toos ah uga timid Kismaayo kuna wajahneyd Muqdisho. Tani waxay keentay in la xiro garoonka si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo ilaalinta sharciga.




From the comments