Muqdisho – Waxaa goordhow dab xooggan ka kacay gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha, gaar ahaan qeybta Suuqa Daawada, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ka tirsan ganacsatada deegaanka.
Dabka ayaa la sheegay inuu ka bilaawday dukaanka lagu magacaabo Discount Drug, waxaana uu si xawli ah ugu fiday dukaamo kale oo intooda badan lagu iibiyo dawooyinka iyo agabka caafimaadka. Ilaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee keentay dabka, balse wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in laga yaabo inuu ka dhashay cilad koronto.
Kooxo dab-damis ah ayaa durbadiiba gaaray goobta, waxaana ay ku howlan yihiin daminta dabka si looga hortago inuu gaaro dukaamo kale oo ku dhow dhow.




From the comments