Maraykanka oo Digniin Cusub ka Soo Saaray Safarrada Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa digniin culus oo heerkeedu yahay “Level 4: Ha u safrin” ka soo saartay xaaladda amni ee Soomaaliya, iyada oo si cad ugu digtay muwaadiniinteeda in aysan u safrin dalkaasi sababo la xiriira khataro badan oo amni iyo caafimaad ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in go’aankan cusub lagu saleynayo khataraha sii kordhaya ee la xiriira: denbiyada hubeysan, weerarada argagixisada, colaadaha gudaha, afduubyada, budhcad-badeeda, caafimaad-darrada, iyo sidoo kale adeeg la’aanta howlaha qunsuliyadeed ee joogtada ah.
Bayaan kasoo baxay safaaradda Mareykanka ayaa lagu sheegay:
“Shaqaalaha dowladda Mareykanka ee ka howlgala gudaha Soomaaliya waxaa si buuxda looga mamnuucay in ay ka baxaan aagga garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho halkaas oo safaaradda Mareykanku ku taallo.”
Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaantay in xaaladda caafimaad ee dalka ay tahay mid liidata, iyadoo la’aanta adeegyada caafimaad, gar-gaarka degdegga ah iyo daryeelka bukaannada ay qayb ka tahay sababaha keenay in muwaadiniinta Mareykanka laga waaniyo socdaalka.