Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax miino oo goordhow ka dhacay duleedka magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lala beegsaday gaari nooca NOHA ah oo siday qaad (jaad).
Qaraxan ayaa dhacay xilli gaari qaadka siday uu kusoo wajahnaa magaalada, iyadoo jugta qaraxa si weyn looga maqlay xaafadaha ku teedsan wadada weyn ee laga soo galo magaalada.
Goobjoogayaal ku sugan meel u dhow halka uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in qaraxu ahaa mid si xun u gilgilay deegaanka, islamarkaana uu ka dhashay qiiq iyo dab holcaya oo laga arkayay meelo fog.




From the comments