Taliyaha Guutada 26-aad ee CXD oo lagu dilay Hiiraan

Warar rasmi ah ayaa xaqiijinaya in taliyihii Guutada 26-aad ee qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Xujaale, lagu toogtay gobolka Hiiraan.
Askari ka tirsan Ciidanka uu xukumayay ayaa toogtay taliyaha.
Falkaan ayaa dhacay xilli uu taliyuhu ku sugnaa saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Ceelgaal, oo ka tirsan gobolka Hiiraan.
Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ciidamada dilka geystay ayaa la sheegay inay cabasho ka qabeen amaro uu bixiyay taliyaha, taasoo keentay khilaaf gudaha ah oo ugu dambeyn sababay falka dilka ah.
Wararka qaar ayaa tilmaamaya in taliyaha uu isku dayay inuu xalliyo muran la xiriiray mushaar iyo howlgallo uu qorsheeyay, balse xaaladdu ay kasii dartay, taasoo sababtay in ciidamo careysan ay rasaas ku furaan, halkaasna uu ku geeriyooday.
Hay’adaha ammaanka iyo saraakiisha milatariga ayaa hadda baaraya dhacdada, iyagoo sheegay inay gacanta ku dhigeen qaar kamid ah eedeysanayaasha.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa tacsi u diray ehelka iyo qoyska marxuumka, iyagoo ku tilmaamay taliyaha “geesi u taagnaa difaaca dalka”.