Safiirka cusub UK usoo dirtay Soomaaliya oo Muqdisho soo gaaray

Safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Charles Nicholas King, ayaa shalay si rasmi ah u yimid magaalada Muqdisho, isagoo la wareegay xilka danjirenimo ee UK u qaabilsan Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.
Charles Nicholas King ayaa bishii Febraayo 2025 loo magacaabay danjiraha cusub, isagoo beddelaya safiirkii hore Michael Nithavrianakis, oo xilkan hayay tan iyo bishii May 2023.
Markii uu soo gaaray Muqdisho, Safiir King ayaa si rasmi ah u bilaabay hawlihiisa diblumaasiyadeed, isagoo muujiyay sida ay Boqortooyada Ingiriisku uga go’an tahay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya, taageerada horumarka, amniga, iyo iskaashiga dhinacyada muhiimka ah.
Safiirkan cusub ayaa khibrad dheer u leh howlaha diblumaasiyadda, waxaana laga filayaa inuu si dhow ula shaqeeyo dowladda Soomaaliya, bulshada rayidka ah, iyo daneeyayaasha kale ee gobolka, si loo sii xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.