Raโiisul Wasaare Xamse oo shaqada ka eryay Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Gaashandhigga
Sheeko:GOLAHA WASIIRRADA SOOMAALIYA

Muqdisho, Soomaaliya โ Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah ugu magacaabay Mudane Idiris Cismaan Xaaji Cali xilka Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Magacaabistan ayaa timid iyadoo xilkaasi uu horay u hayay Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Mudane Idiris Cismaan Xaaji Cali ayaa lagu tilmaamaa inuu leeyahay waayo-aragnimo iyo xirfad u sahlaysa inuu si hufan uga miro-dhaliyo waajibaadka cusub ee loo igmaday.