Goobjoog Media Group oo Cambaareysay Xarig Sharci-darro ah oo Loo Geystay Suxufiyiin Soomaaliyeed

Muqdisho, 24 May 2025 – Goobjoog Media Group ayaa si adag u cambaareysay xarig sharci-darro ah oo loo geystay 11 suxufi oo kala tirsan warbaahino kala duwan, kuwaas oo afar kamid ah ay yihiin shaqaale ka tirsan Goobjoog. Suxufiyiinta ayaa la xiray iyaga oo si rasmi ah uga shaqeynayay gudaha magaalada Muqdisho.
Suxufiyiinta ayaa laga qabtay wadada Makka Al-Mukarama xilli ay ku guda jireen hawlahooda saxafadeed.
Ciidamada qabtay ayaa si khasab ah ugu kaxeeyay suxufiyiinta xero gaar ah, halkaas oo muddo lagu hayay.
Goobjoog waxay sheegtay in suxufiyiinta la sawiray, laga qaaday muuqaallo, laguna qasbay ballanqaad aan sharci ahayn oo ku saabsan in aysan mar dambe soo warin karin goobo ka tirsan degmada Waaberi iyo Hodan.
Bayaanka Goobjoog wuxuu ku tilmaamay tallaabadan mid si toos ah u dhaawaceysa xorriyadda hadalka, madax-bannaanida warbaahinta, iyo xuquuqda aas-aasiga ah ee uu dammaanad qaaday dastuurka dalka.
Sidoo kale, Goobjoog waxay sheegtay in falalka noocan oo kale ah ay yihiin kuwa cabsi gelin joogto ah iyo culeys saaran saxaafadda xorta ah, taasoo si toos ah u curyaamineysa doorka muhiimka ah ee warbaahintu ku leedahay xoojinta dimuqraadiyadda iyo isla xisaabtanka bulshada.
Bayaanka ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay hay’adaha amniga, kuwa cadaaladda iyo dhammaan daneeyayaasha warbaahinta in si degdeg ah loo joojiyo beegsiga suxufiyiinta Soomaaliyeed lana baaro dhacdadan.
“Xorriyadda Saxaafaddu waa tiirka bulshada,” ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka.