Muqdisho – Alle ha u naxariistee, Cabdifataax Carab, oo ka mid ahaa ciyaartoydii hore ee xulka qaranka kubadda cagta Soomaaliya, ayaa maanta lagu dilay magaalada Muqdisho.
Cabdifataax oo muddooyinkii u dambeeyay ku shaqeysanayay mootada loo yaqaan “Faykon” ayaa waxaa si arxan darro ah u toogtay nin ilaalo ka ahaa goob ganacsi oo ku taalla magaalada Muqdisho. Dilka ayaa ka dhacay agagaarka xarunta Safaari Apartment, halkaas oo la sheegay in ninka dilka geystay uu ka tirsanaa shaqaalaha amniga ee xaruntaas.
Sida wararku sheegayaan, Cabdifataax Carab ayaa sidoo kale ka mid ahaa shaqaalaha Astaan TV, taas oo muujineysa inuu lahaa xirfado badan oo uu noloshiisa ku maareynayay.




From the comments