Dowladda Kenya ayaa maanta si rasmi ah caddeysay inay si buuxda uga go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida, midnimada dhuleed, iyo wadajirka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa lagu sheegay in Nairobi ay si aan shaki ku jirin u aqoonsan tahay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho inay tahay hay’adda kaliya ee sharciyeysan ee mas’uulka ka ah dhammaan arrimaha gudaha ee dalka Soomaaliya, oo ay ku jiraan gobollada dalka oo dhan.
Qoraalka ayaa si gaar ah u xusay in Kenya ay ilaalinayso mabaadi’da aan faragelinta lagu sameynin arrimaha gudaha ee dal kale, iyadoo lagu saleynayo Axdiga Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, iyo heshiisyada Urur Goboleedka Bariga Afrika (EAC).




From the comments