Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ka shiray Amniga Dalka, Badqabka Diyaaradaha, iyo Dallacsiin Diblomaasiyeed

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mudane Xamsa Cabdi Barre.
Kulanka waxaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira amniga guud ee dalka, gaar ahaan howlgallada socda ee lagu ciribtirayo kooxda Shabaab oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ay guulo la taaban karo ka gaareen.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhiirrigeliyey dadaallada ciidamada qalabka sida iyo shacabka deegaanka ay ku muujinayaan iskaashi joogto ah oo lagu xasillinayo goobaha laga saaray kooxda argagixisada ah ee Shabaab.
Waxa uu sidoo kale xusay in Xukuumaddu ka go’an tahay in la dardargeliyo hawlgallada lagu sugo amniga iyo nabadda guud ee dalka.
Intii uu socday kulanka, waxaa la soo bandhigay warbixin muhiim ah oo la xiriirta badqabka diyaaradaha ka howlgala gudaha dalka iyo caqabadaha hortaagan, si xal waara loogu helo, iyada oo la ilaalinayo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.
Golaha ayaa isla meel dhigay in la adkeeyo fulinta Siyaasadda Jaangoynta Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Dowladda si kor loogu qaado hufnaanta shaqo iyo maamul wanaagga hay’adaha dowladda.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay dallacsiinta Mudane Axmed Jaamac Cumar oo loo dalacsiiyey darajada Safiir, iyadoo la tixgelinayo aqoonta iyo waayo-aragnimada uu u leeyahay arrimaha diblomaasiyadda iyo matalaadda dalkeena.