U bood dhigaalka

Maxkamad Ku Taalla Jigjiga Oo Xukun Ku Riday Cabdi Baaruud Sababo La Xiriira Dhaliil Uu U Jeediyay Maamulka Mustafe Cagjar

Sheeko:War

Jigjiga – Maxkamad ku taalla magaalada Jigjiga ayaa maanta xukuntay Cabdi Baaruud oo ka mid ah dadkii si weyn looga yaqaanay deegaanka, kadib markii lagu eedeeyay inuu dhaliil ka qoray maamulka Mustafe Cagjar, gaar ahaan baraha bulshada.

Cabdi Baaruud ayaa lagu xukumay sanad iyo bar xabsi ah, waxaana xukunkaasi dhacay iyadoo aan maxkamaddu si buuxda u dhegeysan garnaqsiga iyo difaaca uu Cabdi isku dayay inuu bixiyo.

Baaruud ayaa sheegay inuusan dhiibin wax aragti ah oo si gaar ah u weeraraysa maamulka, balse waxa uu caddeeyay in si guud uu uga hadlay xaaladda deegaanka.

Arrintan ayaa imaneysa iyadoo Madaxweyne Mustafe Cagjar dhowaan ku dhawaaqay in “cid kasta oo dhaliisha maamulka faafisa ama baraha bulshada wax kaga qorta, ay wajihi doonto tallaabo sharci ah oo ay ka mid tahay in lagu eedeeyo khiyaano qaran.”

Falcelinno xooggan ayaa ka yimid bulshada deegaanka oo qaarkood si dadban u muujiyay walaaca ay ka qabaan caburinta xorriyadda hadalka. Sida la sheegay, arrintan ayaa si weyn loogu hadal hayaa gudaha Jigjiga, iyadoo dad badan ay rumeysan yihiin in xukunka Cabdi Baaruud uu yahay digniin loo dirayo dadka kale ee hadalka ka dhiibta maamulka.