Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo booqasho ku jooga dalka Kenya, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya, Mudane Dr. William Ruto.
Kulankan oo ka dhacay magaalada Nairobi ayaa labada hoggaamiye uga wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, dhaqaalaha, iyo isu socodka diyaaradaha.
Sidoo kale, waxay diiradda saareen muhiimadda nabadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan xasilloonida siyaasadeed, la-dagaallanka xagjirnimada, iyo taageeridda dadaallada nabad-dhisidda ee gobolka.




From the comments