U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Recep Tayyip Erdoğan oo yeeshay kulan dhanka Taleefanka ah

Sheeko:War

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa telefoon kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Wicitaankan ayaa diiradda lagu saaray xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya, iyo sidoo kale arrimaha gobolka iyo kuwa caalamka.

Madaxweynaha Erdoğan ayaa sheegay in Turkiga uu si buuxda u taageerayo aragtida horumarineed ee Soomaaliya ee ku saleysan dimuqraadiyadda, isla markaana taageerada uu siinayo Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah argagixisada ay sii xoogeysan doonto. Waxa uu sidoo kale xusay in iskaashiga labada dal ee dhinacyada tamarta iyo kalluumaysiga uu sii socon doono.

Madaxweynaha Erdoğan ayaa sidoo kale u diray hambalyo ku saabsan Ciidul Adxa ee soo socota Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud iyo shacabka Soomaaliyeed.