Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun ku riday shabakad lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin argagixisada, kana shaqeyneysay dilal qorsheysan iyo qaraxyo.
Eedeysaneyaasha kala ah Maxamed Nuur Cali (Cabdimajiid), Cabdullaahi Xuseen Maxamed, iyo Deeqoow Aadan Barre ayaa lagu xukumay min 10 sano oo xabsi ciidan ah.
Cabdishakuur Cabdiqaadir Maxmed “Webka” ayaa lagu helay inuu ka tirsanaa qeybta qaraxyada, waxaana lagu xukumay 8 sano oo xabsi argagixiso ah.




From the comments