U bood dhigaalka

AUSSOM oo war kasoo saaray sababta ay uga baxeen Xawaadley iyo Diyaarad gashay xaalad halis

Sheeko:War

Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) wuxuu xaqiijiyay in ciidamada Burundi ee ku sugnaa saldhigga hore ee Xawaadley, waqooyi-bari ee caasimadda Muqdisho, laga daadgureeyay kadib fatahaado ba’an oo ka dhacay deegaankaas.

Daadgureynta oo dhacday Isniintii ayaa wajahday caqabado farsamo, iyadoo mid ka mid ah helikobtarrada ay cilad farsamo la kulantay. Si kastaba ha ahaatee, duuliyeyaasha ayaa si xirfad iyo taxaddar leh diyaarada u dejiyay si nabad ah.

Dhammaan ciidamada iyo shaqaalaha kale ee la socday waxaa si nabad ah loogu wareejiyay saldhig milatari oo u dhow Xawaadley.

Hawlgalka AUSSOM wuxuu ammaan u jeediyay ciidamada Burundi dadaalkooda iyo feejignaantooda, taasoo sahashay in hawlgalku u qabsoomo si habsami leh.

Sida uu sheegay Kareem Adebayo, wakiilka ku meel gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya:

“Waxaan bogaadinaynaa falcelinta degdegga ah ee ciidamada AUSSOM ee Burundi intii uu socday hawlgalkan khatarta lahaa, waxaana mar kale xaqiijinaynaa taageeradayada shacabka iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya si loo yareeyo saameynta fatahaadaha.”

Si kastaba ha ahaatee, isla maalintaas oo ay ciidamada Burundi ka baxeen deegaanka, wararka laga helay dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay gudaha u galeen tuulada Xawaadley. Tuuladan oo leh buundo istiraatiiji ah oo xiriirisa waqooyiga iyo koonfurta dalka, ayaa hadda u muuqata mid si buuxda gacanta ugu gashay kooxda Al-Shabaab.