U bood dhigaalka

Madaxweyne Trump oo ka Mamnuucay Muwaadiniinta 12 Dal oo Soomaaliya ku jirto in ay soo galaan Mareykanka

Sheeko:War

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii si rasmi ah u shaaciyey in muwaadiniinta ka soo jeeda 12 waddan laga mamnuucay in ay soo galaan Mareykanka, isagoo sheegay in tallaabadan lagu doonayo in laga hortago khataraha argagixisada iyo amniga qaranka.

Dalalka si buuxda loo mamnuucay ayaa kala ah:
Afghanistan, Myanmar, Chad, Congo, Equatorial Guinea, Eritrea, Haiti, Iran, Libya, Somalia, Sudan, iyo Yemen.

Sidoo kale, muwaadiniinta ka imanaya 7 dal oo kale waxaa lagu soo rogay xayiraado xaddidan:
Burundi, Cuba, Laos, Sierra Leone, Togo, Turkmenistan iyo Venezuela.

Trump ayaa muuqaal uu soo dhigay baraha bulshada (X/Twitter) ku yiri:

“Ma ogolaan doonno in dad doonaya in ay na waxyeeleeyaan ay soo galaan dalkeenna.”

Sida uu sheegay, liiska dalalka la mamnuucay waa mid isbedbeddeli kara, iyadoo la filayo in la cusbooneysiiyo marba haddii loo baahdo.

Xeerkan cusub ee Madaxweyne Trump uu saxiixay wuxuu dhaqan galayaa Juun 9, 2025, saacaddu marka ay tahay 12:01 subaxnimo EDT. Si kastaba ha ahaatee, fiisayaasha la bixiyey ka hor taariikhdaas lama baabi’in doono, sida lagu xusay qoraalka rasmiga ah.

Intii uu xilka hayay Muddo xileedkii hore Trump wuxuu hore u soo rogay mamnuucid tan la mid ah oo saameysay todoba dal Muslimiin u badan – taasoo maxkamadda sare ay ugu dambeyntii ansixisay sannadkii 2018. Madaxweynihii xigay, Joe Biden, ayaa mamnuucidaasi laalay sanadkii 2021, isagoo ku tilmaamay “meel ka dhac ku ah damiirka qaranka.”