Ciidamada badda Israa’iil ayaa saaka si buuxda ula wareegay doonta samafalka ee lagu magacaabo Madeleine, taasoo safar bini’aadantinimo ka soo bilowday dalka Talyaaniga, kuna wajahneyd Marinka Qasa si ay gargaar iyo farriin caalami ah ugu gudbiso dadka halkaa ku go’doonsan.
Doontan waxaa la socday samafalayaal caalami ah, dad caan ah, iyo xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Midowga Yurub, kuwaasoo doonayay in dunida ay u muujiyaan dhibaatada ba’an ee ay wajahayaan shacabka reer Qasa oo ku nool go’doon adag oo ay Israa’iil saartay muddo ku dhow 19 bilood.
Ciidamada Israa’iil ayaa la sheegay inay si kedis ah u weerareen doonta xilli ay ku sugnayd badda u dhow Qasa, kaddibna waxay si khasab ah ugu jiideen dekedda Ashdood oo ku taalla Israa’iil. Halkaas ayay hadda su’aallo ku waydiinayaan dhammaan dadka la socday doonta, sida uu xaqiijiyay raadiyaha ciidamada Israa’iil.




From the comments