Garsooraha caanka ah ee Soomaaliyeed, Cabdulqawi Axmed Yuusuf, ayaa si rasmi ah uga iscasilay xilkii uu ka hayay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah (ICJ), sida lagu sheegay war kasoo baxay maanta oo ay maxkamaddu si rasmi ah ugu dhawaaqday.
Warbixinta ayaa tilmaamtay in Garsooraha uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ku wargeliyay iscasilaaddiisa, taas oo dhaqan geli doonta 30ka Sebteembar 2025.
Cabdulqawi Yuusuf ayaa xubin ka ahaa ICJ tan iyo 6-dii Febraayo 2009, isagoo mudadaas intii ay socotay sidoo kale u adeegay Madaxweyne Ku-xigeenka Maxkamadda (2015–2018) iyo Madaxweynaheeda (2018–2021) — taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu miisaanka culus ee abid kasoo jeeda Qaaradda Afrika kana soo shaqeeyay maxkamadda ugu sarreysa ee caalamka.




From the comments