Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay Inuu Dhamaaday Kaalintii Tooska Aheyd ee C6+ ee Arrimaha Gudaha

Muqdisho – Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa warqad rasmi ah u dirtay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, James Swan, taasoo ay si cad ugu sheegtay in dowladda Soomaaliya aysan u arkin inay hadda jirto sabab sharci ah ama siyaasadeed oo Beesha Caalamka ay si toos ah uga dhex muuqdaan arrimaha gudaha dalka.
Warqaddan, oo si rasmi ah loogu diray wakiilka Qaramada Midoobay, ayaa lagu xusay in C6+ uu ahaa qaab wada-shaqeyn oo ku meel gaar ah oo loogu tala galay marxaladihii adkaa ee Soomaaliya ay ka soo gudubtay, xilli aanay jirin dowlad awood buuxda leh oo ka shaqeysa hawlaha gudaha. Laakiin hadda, iyadoo dowladda Federaalka ay si buuxda u shaqeyneyso, xukuumaddu waxay muujisay in aanay jirin sabab sii jiritaanka C6+.
Sida lagu xusay qoraalka, dowladda Soomaaliya waxay u aqoonsatay C6+ inuu yahay qaab-dhismeed hore oo waqtigiisii dhamaaday, waxaana lagu baaqay in dhammaan saaxiibada caalamka ay Soomaaliya ula macaamilaan si waafaqsan sharciga iyo hay’adaha rasmiga ah ee dowladda, si loo dhowro madax-bannaanida siyaasadeed iyo qaranimada dalka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay ku adkeysatay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn dhab ah oo ku saleysan ixtiraamka hay’adaha dastuuriga ah ee dalka, iyadoo Beesha Caalamka loogu baaqay inay ka fogaadaan qaabab hore u dhacay oo aan waafaqsaneyn nidaamka dowladeed ee hadda jira.