Warsaxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen madal cusub oo ay ku midoobeen shan xisbi oo mucaarad ah oo shuruud ku xiray ka qaybgalka gogosha uu fidiyey Madaxweyne Xasan

Shan urur siyaasadeed oo dhowaan iska diiwaangeliyay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, kuwaasoo kamid ahaa ururradii lagu casuumay gogosha uu fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si wadajir ah u soo saaray war-saxaafadeed ay kaga hadlayaan mowqifkooda ku aaddan gogoshaas.
Ururradan siyaasadeed oo kala ah Xaqsoor, Samadoon, DPC, Ramaas iyo Dhulka Hooyo, ayaa sheegay in ay si taxaddar leh u soo dhoweynayaan gogosha Madaxweynaha, iyagoo tilmaamay in gogoshu noqon karto fursad lagu gaari karo natiijo wanaagsan oo dalka ka saarta xaaladda cakiran ee siyaasadeed – haddii la waafajiyo qodobo muhiim ah.
Ururradu waxay soo jeediyeen saddex qodob oo ay u arkaan laf-dhabarka guusha gogosha:
Caddeynta Ujeeddada Gogosha:
In Madaxweynaha si rasmi ah u bayaamiyo in gogoshani tahay madal wada-xaajood siyaasadeed oo rasmi ah, u dhaxeysa dowladda iyo ururrada mucaaradka, laguna doonaayo xal looga baxo ismari-waaga ku xeeran dastuurka iyo doorashooyinka dalka.
Dhisidda Guddiga Farsamo:
In la dhiso guddi farsamo oo isku dhaf ah oo ka kooban dowladda iyo ururrada mucaaradka, isla markaana diyaariya ajandaha, muddada, habraaca iyo ka qaybgalayaasha gogosha.
Kala Saaridda Qodobbada Muranka leh iyo kuwa Midaysan:
In Madaxweynaha kala saaro arrimaha ay muranka siyaasadeed ka taagan yahay (sida doorashooyinka iyo dastuurka) iyo kuwa la isku waafaqsan yahay (sida la dagaallanka argagixisada iyo ilaalinta midnimada dalka), si looga fogaado jahwareerinta geedi-socodka.
Ururradani waxay ku booriyeen Madaxweynaha inuu yeesho kalsooni iyo ku-dhacyo ku aaddan hoggaaminta gogosha, taasoo ay sheegeen inay ku iman karto haddii la turxaan bixiyo habraaca iyo maaraynta gogosha.
Mowqifka Doorashooyinka
Ururradu waxay si cad u muujiyeen inay diyaar u yihiin ka qaybgalka doorasho dalka ka dhacda, balse ay tahay in doorashadaasi:
Waafaqsan tahay dastuurka iyo xeerarka dalka,
Noqoto mid xor ah, xalaal ah, oo daahfuran,
Lagu qabto waqtigii loogu tala galay ee dastuurku tilmaamay,
Ay maamulaan hay’ado lagu kalsoonaan karo,
Lagu galo iyadoo loo marayo xisbiyo siyaasadeed,
Si isku mid ah uga dhacdo guud ahaan dalka,
Laga heshiiyay dhammaan xeerarkeeda iyo habraacyadeeda.
Shantaan urur siyaasadeed waxay muujiyeen diyaar u ahaanshahooda wadahadal lala galo dowladda, si loo helo hannaan doorasho oo xor iyo xalaal ah. Waxay ku nuuxnuuxsadeen inay hayaan aragti hal-abuur leh oo lagu gaari karo doorasho dimoqraadi ah oo loo wada siman yahay, haddii daacadnimo iyo isu tanaasul ay geedi-socodka ka muuqdaan.