Gogoshii wadatashiga siyaasadeed ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, qorsheeyay in maanta ay ka dhacdo magaalada Muqdisho, ayaa baaqatay.
Gogoshan oo hore loogu shaaciyay in ay tahay madal furan oo ay ka qeybgalaan dhammaan daneeyeyaasha siyaasadda, gaar ahaah mucaaradka iyo ururada ugu waaweyn dalka, ayaa u muuqata mid aan qabsoomin sababo aan weli si rasmi ah loo shaacin.
Baaqashada madashan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo la xiriirta hanaanka doorashooyinka iyo isfaham la’aanta u dhaxaysa Villa Soomaaliya iyo qaar ka mid ah ururada siyaasadeed ee dalka.




From the comments