Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta oo ku dhawaaqday dhammaadka wejiga koowaad ee sahaminta shidaalka badda Soomaaliya

Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in si rasmi ah loo dhammeystiray wejigii koowaad ee baaritaanka iyo sahaminta shidaalka ee laga waday badda Soomaaliya.
Shaacintaasi waxa ay timid kadib markii shirkadda Turkish Petroleum (TPAO) ay dhammeysay muddo 234 maalmood ah oo sahamin ah oo lagu sameeyay qeybo kamid ah xeebaha Soomaaliya, iyadoo la adeegsanayo markabka Oruç Reis Seismic Research Vessel.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka rasmiga ah ee ka soo baxay wasaaradda, sahankan ayaa ahaa mid muhiim ah si loo ogaado suurtagalnimada iyo tirada shidaalka ku jira goobaha la baaray.
Sahaminta ayaa bilaabatay 25-kii Oktoobar 2024, iyadoo wasaaradda iyo shirkadda TPAO ay si dhow ula socdaan natiijooyinka kasoo baxaya xogta ururinta.
Wasaaradda Batroolka ayaa sheegtay in ay la wadaagi doonto shacabka Soomaaliyeed natiijooyinka rasmiga ah ee baarista, marka ay diyaar noqdaan. Sidoo kale, waxay uga mahadcelisay dowladda Turkiga iyo shirkadda TPAO wada shaqeynta wanaagsan iyo sida ay hawsha u fuliyeen si hufan.
Wasaaradda ayaa sidoo kale u mahadcelisay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Md. Xamse Cabdi Barre, iyo dhammaan mas’uuliyiinta kale ee taageerada buuxda ka geystay hirgelinta barnaamijkan muhiimka ah ee sahminta kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta waxay shacabka Soomaaliyeed u ballanqaadday in howlaha sahaminta iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah lagu wadi doono si waafaqsan danaha qaranka iyo hufnaan dhaqaale.