U bood dhigaalka

DEG DEG: Iran oo si rasmi ah uga baxday wada-shaqeyntii Hay’adda Atoomikada Caalamiga ah ee IAEA

Sheeko:War

 Dowladda IRAN ayaa si rasmi ah uga baxday dhammaan heshiisyadii iyo wada-shaqeyntii kala dhaxaysay Hay’adda Atoomikada Caalamiga ah ee IAEA, iyadoo baarlamaanka dalkaasi si aqlabiyad leh u ansixiyey codsi kasoo baxay xukuumadda Tehran.

Go’aankan lama filaanka ah ayaa dhirbaaxo culus ku ah dedaalladii caalamiga ahaa ee lagu xakameynayey barnaamijka nukliyeerka IRAN, waxayna u muuqataa in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN ay cagta saartay waddo cusub oo aan lala wadaagin beesha caalamka, taas oo walaac xooggan ku abuurtay quwadaha reer galbeedka.

Xukuumadda IRAN ayaa sheegtay in Hay’adda IAEA ay jebisay dhexdhexaadnimadii looga baahnaa, islamarkaana ay u adeegayso danaha quwadaha reer galbeedka, gaar ahaan Mareykanka iyo Israa’iil.

Sidoo kale, dowladda IRAN waxay ku eedeysay IAEA inay faafisay xog sir ah oo la xiriirta xarumaha cilmi-baarista nukliyeerka ee dalkaas.

Afhayeen u hadlay xukuumadda IRAN ayaa sheegay in “go’aankaasi uu yahay mid qaranimo lagu difaacayo, islamarkaana laga hortagayo faragelin iyo cadaadis joogto ah oo caalamka ka imaanaya.