Taliska Ciidanka Booliska SSC-Khaatumo ayaa maanta si rasmi ah u soo saaray war-saxaafadeed hordhac ah oo la xiriira dhacdo naxdin leh iyo jirdil foolxun ah oo ka dhacday magaalada Laascaanood, habeenkii Jimcaha 14-ka Juun 2025, abaare 10:30 fiidnimo.
Dhacdadan xanuunka leh ayaa lagu eedeeyey 24 ruux oo dhalinyaro ah, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay in ay si wadareed ah u kufsadeen una jirdileen laba hablood oo da’yar ah.
Booliska SSC-Khaatumo waxay sheegeen in muddo 48 saacadood gudahood ah gacanta lagu dhigay 23 ka mid ah eedeysaneyaasha, halka mid kalena wali baadi-goobkiisu socdo.




From the comments