U bood dhigaalka

Dawladda Soomaaliya iyo IOM oo dalka Dib Ugu Soo Celiyay Dhalinyaro Tahriib ku Tagay Aljeeriya

Sheeko:War

Dawladda Federaalka Soomaaliya oo iskaashi la leh Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa maanta si nabad ah dalka dib ugu soo celisay tiro dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo tahriib ahaan ku tagay dalka Aljeeriya, halkaasoo ay dhibaatooyin badan kala kulmeen muddadii ay ku sugnaayeen.

Munaasabadda soo dhoweynta dhalinyaradan ayaa si rasmi ah loogu qabtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan hay’adaha dowladda.

Waxaa si gaar ah uga hadlay Guddoomiyaha ku-xigeenka 1aad ee Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Cabdullaahi Aadan, oo muujiyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nolosha iyo mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed.

Mudane Cabdullaahi Aadan ayaa xusay in dhalinyaradu yihiin kheyraadka ugu weyn ee dalku leeyahay, loona baahan yahay in la dhiirrigeliyo si ay door muuqda uga qaataan horumarka dalka. Wuxuu si adag uga digay khatarta safarka tahriibka oo uu ku tilmaamay mid naxdin leh, isla markaana dhalinyaro badan ay ku waayaan noloshooda.

“Waa nasiib darro weyn in dhalinyaradeennu ay naftooda halis galiyaan iyagoo u tahriibaya nolol ay filayaan inay ka helaan dibadda, balse waxay la kulmaan silic, jirdil iyo xaqiraad. Waxaan ku boorinayaa dhalinyaradan in ay dalkooda kusoo laabtaan, kana faa’iideystaan fursadaha nololeed ee dalkooda ka jira,” ayuu yiri Cabdullaahi Aadan.

Guddoomiyaha ku-xigeenka ayaa ugu dambeyn kula dardaarmay dhalinyarada lasoo celiyey in ay ka faa’iideystaan waayo-aragnimada ay kasoo heleen safarka tahriibka, una beddelaan fikirkaasi dadaal gudaha dalka ah, si ay uga mid noqdaan dhisidda Soomaaliya cusub oo ammaan iyo horumar leh.

Soo celinta dhalinyaradan ayaa qayb ka ah dadaallada socda ee lagu yareynayo khatarta tahriibka iyo kor u qaadidda wacyiga dhalinyarada Soomaaliyeed si ay u helaan nolol hufan oo sharaf leh gudaha dalkooda.