U bood dhigaalka

Iran oo duqeyn ku burburisay suuqii ugu weynaa ee sarifka lacagaha qalaad ee Talabib

Sheeko:War

Duqeymaha u dheexeya Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran iyo Israa’iil ayaa maanta u gudubtay heerka ugu sareeya, kaddib markii gantaalo culus oo laga soo riday dhanka Tehran ay ku habsadeen suuqii ugu weynaa ee sarifka lacagaha qalaad ee Talabib.

Suuqaasi oo ahaa halbowlaha dhaqdhaqaaqa ganacsiga lacagaha qalaad ee Israa’iil ayaa gabi ahaanba dumay, waxaana la soo wariyey khasaare naf iyo maalba leh.

Sida ay sheegayaan ilo dhanka ammaanka ah, gantaaladaasi casriga ah ee xawaaraha sare ku socday ayaa toos ugu dhacay bartilmaameedkii loogu talagalay, taas oo muujinaysa in weerarka lagu saleeyay xog sirdoon oo aad u xooggan.

Sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday goobta weerarka ayaa muujinaya burbur baaxad leh iyo dad shacab ah oo dhaawac ah oo lasoo badbaadinayo.

Dhinaca kale, Israa’iil ayaa durbadiiba ka falcelisay weerarkaasi, iyadoo bilowday weerarro xoogan oo ay ku qaadday xarumo rayid ah oo ku yaalla gudaha Iran.

Afhayeen u hadlay ayaa xusay in Iran aysan marnaba aqbali doonin in xarumaheeda rayidka ah ama dhaqaalaha la beegsado. Dhanka kale, Israa’iil ayaa si adag u sheegtay in wixii hadda ka dambeeya aysan kala saari doonin bartilmaameedyada militari iyo kuwa rayid ah, haddii Iran ay sii waddo duqeymaha.

Khabiir ku xeel dheer arrimaha Bariga Dhexe ayaa u sheegay warbaahinta in hadda laga cabsi qabo in dagaalkaan uu isu beddelo mid furan oo aan xuduud lahayn, taas oo caqabad weyn ku noqon karta xasilloonida gobolka iyo nidaamka dhaqaalaha caalamiga ah.