Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ay habeenkii xalay kulan ku yeeshay hoyga Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed. Kulankan oo lagu tilmaami karo mid muhiim ah, ayaa lagu sheegay inay isku raaceen inay la kulmaan Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo dalabka kulankaas uu ka yimid Villa Somalia.
Waxaa xusid mudan in Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, oo kamid ah hormuudka Madasha, la filayo inuu maanta soo galo magaalada Muqdisho isagoo ka imaanaya Nairobi.
Xubnaha Madasha ayaa dib ugu soo laabtay caasimadda kadib safarro ay ugu maqnaayeen gudashada waajibaadka Xajka iyo fasaxa Ciidda, taasoo muujinaysa in hadda xoogga la saarayo arrimaha gudaha iyo xalinta kala aragti duwanaanta siyaasadeed ee u dhaxaysa mucaaradka iyo dowladda.




From the comments