Mareykanka ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in uu qaaday weerar cirka ah oo culus oo lagu bartilmaameedsaday saddex xarumood oo muhiim ah oo ku yaalla dalka Iran, kuwaas oo kala ah: Fordow, Natanz, iyo Isfahan.
Weerarka oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa si gaar ah diiradda u saaray xarunta Fordow oo ah mid ka mid ah goobaha ugu adag ee lagu kaydiyo barnaamijka nukliyeerka Iran.
Madaxweynaha Mareykanka Donald J. Trump, ayaa sheegay in weerarka uu ahaa “mid guul weyn ah,” isla markaana uu Mareykanku si buuxda u burburiyay qalabkii halista lahaa ee ku jiray goobahaas.




From the comments