Xildhibaan Ilhan Omar, oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka kana tirsan Xisbiga Dimuqraadiga, ayaa si adag u cambaaraysay weerarka cirka ah ee Mareykanku ku qaaday saddex xarumood oo nukliyeer ah oo ku yaalla gudaha dalka Iran.
Ilhan Omar oo warbaahinta kula hadashay Washington ayaa sheegtay in tallaabadan ay tahay “sharci jebin lagu deg-degay” oo khatar weyn ku ah nabadda caalamka iyo badbaadada shacabka Mareykanka. Waxay si gaar ah u tilmaantay in weerarku uusan helin oggolaansho rasmi ah oo ka yimid Congress-ka Mareykanka, sidaas darteedna uu yahay mid ka baxsan xeerarka dastuuriga ah ee awood-qaybsiga militariga dalka.
“Tani waa tallaabo dagaal oo aan la ansixin, oo si cad ugu xadgudbeysa sharciga Mareykanka iyo kan caalamiga ah. Waxay halis gelinaysaa ciidamada Mareykanka ee ku sugan Bariga Dhexe, sidoo kalena waxay u furan tahay in shacabka Mareykanka la beegsado,” ayay tiri Ilhan Omar.




From the comments