DEG-DEG: Iran oo Gantaallo Ku Garaacday Saldhigga Maraykanka ee Qatar

Dooxa – Wararka hadda nasoo gaaraya ayaa sheegaya in dowladda Iran ay ku dhufatay illaa lix gantaal saldhigga milatari ee Mareykanka ku leeyahay dalka Qatar, gaar ahaan Al Udeid Air Base, halkaas oo ay ku sugan yihiin ku dhowaad 10,000 askari oo American ah.
Saldhiggani oo ah mid ka mid ah kuwa ugu weyn ee Maraykanku ku leeyahay Bariga Dhexe ayaa muhiim u ah howlaha hawada ee gobolka, gaar ahaan dagaallada ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah iyo kormeerka istiraatiijiyadeed ee gobolka.
Wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in ay jiraan khasaarooyin hantiyeed iyo dhaawacyo soo gaaray qaar ka mid ah ciidamada ku sugnaa saldhigga, inkasta oo saraakiisha Mareykanka aanay wali si rasmi ah u xaqiijin tirada khasaaraha.
Dowladda Iran wali kama aysan hadlin weerarkan si rasmi ah.
Weerarkan ayaa si weyn u kicin kara xiisadda u dhaxeysa Maraykanka iyo Iran, waxaana laga cabsi qabaa in uu horseedo dagaal baaxad leh oo ka qarxa gobolka Khaliijka.