Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka masuuliyiin sare oo isugu jira Madaxweyne hore, Ra’iisul Wasaareyaal hore, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka iyo xubno kale oo door muuqda ku lahaa hoggaanka dalka.
Kulankan oo qayb ka ah kulamada uu Madaxweynaha ka wado magaalada Muqdisho ee Gogosha Wadatashiga Qaran, ayaa diiradda lagu saaray qodobbada muhiimka ah ee masiiriga u ah dalka.
Waxaa si qoto dheer looga dooday dhammaystirka hannaanka dib-u-eegista Dastuurka, dejinta iyo hirgelinta hannaan doorasho oo toos ah, iyo sidii si wadajir ah looga shaqeyn lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah.




From the comments