Dowladda Eritrea ayaa si kulul u cambaareysay Dowladda Federaalka Itoobiya, iyada oo ku eedeysay inay wado olole diblomaasiyadeed oo loogu talagalay in lagu muujiyo Eritrea inay khatar ku tahay Itoobiya, isla markaana ay ku xad-gudubtay dhulkeeda iyo madaxbannaanideeda.
War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Eritrea ayaa lagu sheegay in Itoobiya ay fariimo dirayso Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha caalamka, kuwaas oo lagu sheegayo in Eritrea ay ku kacayso dhibaatooyin soo noqnoqda iyo faragelin gudaha Itoobiya ah.
Eritrea waxay sheegtay in farriimahaasi yihiin kuwo ku saleysan been-abuur iyo khiyaali siyaasadeed, iyadoo lagu tilmaamay inay yihiin “qorshe cad oo Itoobiya ku dooneyso hurinta dagaal” iyo inay si khaldan uga dhaadhiciso beesha caalamka in ay halis kaga imanayso dhanka Eritrea.




From the comments