U bood dhigaalka

Ogeysiis Muhiim ah oo ku socda Dadweynaha Ku Xiran Facebook-ga Goobjoog

Sheeko:War

Waxaan si rasmi ah idiinla wadaagaynaa in boggeena rasmiga ah ee Goobjoog ee Facebook la jabsaday lagana saaray dhammaan maamulkii saxda ahaa ee gacanta ku hayay bogga.

Waxaa hadda muuqda in si sharci-darro ah loo maamulo, iyadoo la soo gelinayo sheekooyin aan ka imaanin kooxda saxda ah ee Goobjoog.
Waxaan la xariirnay Sharikadda Meta/Facebook si aan u soo ceshanno maamulka bogga, meel fiican ayayna mareeysaa in dib uu gacanta maamulka ugu soo laabto boggeena Facebook.

Fadlan si taxaddar leh u eeg wax kasta oo lagu daabaco bogga Goobjoog ilaa ogaysiis dambe.

Waad ku mahadsan tihiin kalsoonidiina iyo taageeradiina joogtada ah.

Goobjoog Media Group