Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo loo magacaabay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Suudaanta Koonfureed

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa si rasmi ah loogu magacaabay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan dalka Suudaanta Koonfureed, sidoo kalena ah Madaxa Ergada Midowga Afrika ee magaalada Juba.
Magacaabistan oo ka timid Xoghaynta Midowga Afrika ayaa lagu tilmaamay mid qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo xasiloonida gobolka Bariga Afrika, gaar ahaan Suudaanta Koonfureed oo wajahaysa caqabado siyaasadeed iyo amni.
Dr. Cabdiweli Gaas ayaa horey u soo qabtay xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya intii u dhaxeysay 2011 ilaa 2012, waxaana sidoo kale uu ahaa Madaxweynaha Puntland muddo xileedkii 2014 ilaa 2019. Waa siyaasi si weyn loogu yaqaan inuu khibrad u leeyahay arrimaha siyaasadda, maamulka iyo diblomaasiyadda.
Midowga Afrika ayaa rajeynaya in magacaabistiisa ay horseedi doonto horumar cusub oo dhanka dhexdhexaadinta ah iyo xiriirka wanaagsan ee gobolka, iyadoo la filayo in Dr. Gaas uu si degdeg ah u bilaabo shaqadiisa cusub ee Juba.