Saaka abaare 7:30 subaxnimo, diyaarad ay leeyihiin Midowga Afrika oo ay wadeen ciidamada Uganda (UPDF) ayaa si degdeg ah ugu dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Diyaaraddu waxay kasoo duushay saldhigga milatari ee Baledogle gobolka Shabeellaha Hoose.
Diyaaradda waxaa saarnaa 8 qof, Waxaa ka badbaaday Saddex qof oo kaliyah oo hadda lagu dabiibaayo isbitaal ku yaalla Xalane.




From the comments