Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa si rasmi ah u soo xiray xuska Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada, oo ku beegan sannad-guuradii 65-aad ee kasoo wareegtay mideynta gobollada dalka iyo aasaaska Jamhuuriyadda.
Madaxweynaha oo munaasabadda xiritaanka kaga qeyb-galay Xarunta Golaha Xukuumadda ayaa khudbad uu ka jeediyay waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabaddan qiimaha badan ee 1-da Luulyo, isagoo ku bogaadiyay sida wadaninimada leh ee ay shacabka iyo qurba-joogtu ay u xuseen sannadkan.
“Xuska Todobaadka Xorriyadda waa maalmo aan dib ugu jaleecno halka uu hayaankeenu ka soo bilowday, jidka dheer ee aan soo marnay, iyo himilada aan hiigsanayno. Waa waajib qaran in la xasuusto halgankii sharafta lahaa ee horseeday xornimada, midnimada iyo qarannimada Soomaaliyeed”.




From the comments