U bood dhigaalka

Wararkii ugu dambeeyay banaanbaxyadda ka socda Kenya

Sheeko:War

Kenya waxaa maanta hareeyay mudaharaadyo ballaaran oo ay dhigayaan boqolaal dhalinyaro ah, gaar ahaan kuwa loo yaqaan Gen Z, kuwaasoo waddooyinka waaweyn ee Nairobi iyo magaalooyin kale kusoo baxay xuska maalinta Saba Saba, oo astaan u ah halgankii dimuqraadiyadeed ee dalka.

Banaanbaxyadan ayaa salka ku haya cabashooyin ka dhan ah sare u kaca canshuuraha, sicir bararka, musuqmaasuqa baahsan iyo dilalka dadka rayidka ah ee ay geystaan ciidamada booliska.

Ciidamada ammaanka ayaa si weyn u xiray waddooyinka muhiimka ah sida Thika Road, Mombasa Road iyo Ngong Road, iyagoo adeegsaday xayndaabyo bir ah, rasaas nool nool, gaaska dadka ilmada ka keena.

Hal qof ayaa ku dhaawacmay kadib rasaas toos ah oo ay boolisku fureen, iyadoo dad kale la xiray. Saameynta mudaaharaadyadu waxay keentay in la xiro dukaamada, iskuulada iyo xarumaha dowliga ah, waxaana hakad galay isku socodkii gaadiidka iyo ganacsigii magaalada.

Dadka mudaharaadaya ayaa sidoo kale muujiyay caro ay ka qabaan dilkii dhawaan lagu dhex dilay xabsi ku yaalla Nairobi ee loo geystay Albert Ojwang, oo ahaa macallin iyo blogger caan ah.

Dhimashadiisu waxay sababtay in dhalinyaro badan ay dareemaan cabsi, cadaalad la’aan iyo in xorriyada hadalka lagu xadgudbay. Dhacdadan ayaa noqotay kicinta ugu weyn ee keentay kacdoonka maanta ka socda dalka.

Waxaa intaas dheer in Amnesty International iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha ay dhaleeceeyeen tallaabooyinka xoogga ah ee boolisku ku wajahayo mudaharaadyada, iyadoo la xusay in ugu yaraan 16 qof lagu dilay bannaanbixii dhacay 25-kii Juun, halka kumanaan kalena ay dhaawacmeen.

Dadka u kacay kacdoonka maanta waxay dalbanayaan isbeddel dhab ah oo ku yimaada hoggaanka dalka, in la joojiyo canshuuraha dadka danyarta ah ku dhacaya, la xisaabtanka saraakiisha musuqmaasuqa ku eedeysan, iyo in la siiyo xuquuqda muwaadinka si buuxda.

Madaxweynuhu wali ma uusan ka hadal banaanbaxyada maanta, balse cadaadiska ay keenayaan mudaharaadyada iyo dhaleeceynta gudaha iyo dibadda ayaa kusii kordhaya xukuumadda William Ruto.