Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u qaaday xanibaaddii saarneyd duulimaadyada tooska ah ee u dhaxeeyay magaalooyinka Kismaayo iyo Nairobi, iyo sidoo kale Kismaayo iyo Dhoobleey.
Go’aankan ayaa maanta dhaqangalay Sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinka tirsan Jubbaland.
Xayiraadda oo saarnayd muddo, ayaa sababtay in dadku ay mari waayaan safarro muhiim ah oo ay la xiriirto caafimaad, ganacsi iyo isdhexgal bulsho, taas oo si weyn u saameysay dhaqaalaha iyo xiriirka qoysas badan.




From the comments