Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh, ayaa maanta kulan muhiim ah kula yeeshay magaalada Laascaanood Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye.
Kulankan oo ay goob-joog ka ahaayeen mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa diiradda lagu saaray dhameystirka hanaanka maamul-dhismeedka rasmiga ah ee SSC-Khaatumo, iyadoo ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo xiriirka ka dhexeeya maamulka deegaanka iyo dowladda dhexe.
Wasiir Cali-Xoosh ayaa sheegay in socdaalkiisa Laascaanood uu yahay mid dowladda Federaalka uga gol leedahay in si rasmi ah loo dhameystiro dhismaha maamulka SSC-Khaatumo si uu uga mid noqdo hanaanka Federaalka dalka, loogana gudbo caqabadaha siyaasadeed, amni iyo bulsho ee ka jira gobolka.




From the comments