Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in Puntland aysan marnaba ka soo horjeedin dowladnimada Soomaaliyeed, balse ay mar walba ku taagan tahay in si siman oo caddaalad ah loo dhiso nidaam qaran oo ku dhisan wax wada-leeyahay.
Madaxweyne Deni ayaa yiri: “Ma nihin dad ka soo horjeeda dowladnimada Soomaaliyeed. Waxa naga go’an Puntland loo siman yahay, deegaannada laamiga ka fogna mar dambe gaadhi-waa ma noqon doonaan.”
Hadalka Madaxweyne Deni ayaa imaanaya xilli uu ka hadlaayay deegaano ka tirsan Puntland oo ay shacabka ka muujiyeen baahida ay u qabaan adeegyada dowladda.




From the comments